Xasan Shiikh iyo Deni oo iskaga soo dhawaaday khilaafkii Shidaalka

Waxay ubadan in is afgarad laga gaaro Qodobka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah oo qayb ka ah Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda.

Puntland oo Udub dhexaad u ah dooda qaybsiga khayraadka,ayay ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay Dowlada Dhexe umuujisay dabac doodeeda.

Arimaha ku Aadan Shidaalka ee Puntland looga dabcay,waxaa ka mid ah…

1.In dib U Eegis lagu sameeyo Qodobo ka mid ah heshiiskii Baydhabo.

2.In Puntland keensato Shirkada samaynaysa Xogta Shidaal ee Xeebaheeda,iyadoo heshiiska la marsiinayo nidaamka Fadaraaliga ah.

3.In Xubin loogu daro Gudiga Shidaalka Qaranka.

Maalmaha soo socda ayay Wasiirada Shidaalku fariisan doonaan soona saari doonaan is afgarad loo gudbin doono Madaxweynayaasha,sida ay wararku sheegayaan.

Puntland,ayaa udiyaarisay buuxinta booskeeda Gudiga Shidaalka Gabar.

Xasan Shiikh iyo Deni ayay wararku sheegayaan in ay si hoose wax badan oo ku Aadan Shidaalka iskula fahmeen.

Tagidii Madaxweyne Xasan ee Pentagonka ayay wararku sheegayaan in la hor dhigay Laba Qodob oo kala ah..

1.La dagaalanka argagixisada.
2.Saxiixa Shidaalka.

Puntland waxaa umuhiim ah in ugu badnaan 90-cisho gudahood lagu helo xogta Shidaal ee Xeebaheeda.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading