Xasan Shiikh ma waxa uu aqbalay wada hadal uu lagalo Alshabaab?

“Waxaan aaminsanahay ugu danbayn Ciyaartu in ay kusoo dhamaan doonto wada xaajood,dhankayaga,waa udiyaarsanahay lkn ma naqaan goorta iyo goobta,balse Alshabaab in ay udiyaarsan yihiin wada xaajood ma naqaan kamana aanan arag,Shabaab waa in ay badalaan dhaqankooda cidii geli karta hawshaasna,waa soo dhawaynaynaa”.”Ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay Oslo Forum.

Waa mowqif badalid weyn oo deg-deg ah oo ka muuqata Xasan marka laga tusaale qaato go’aamadiisii hore ee ka fogaa dabac loo muujiyo Shabaab ,ma cada waxa ku khasbay isbadalka intaa le’eg ee ku yimid.

Su’aalaha lays waydiin karo?

1.Dagaalkii Shabaab ee uu ku fashilmay miyaa sababay isbadalka mowqifkiisa?

2.Ma waxa uu xaqiiqsaday Shabaab in uusan uga adkaan karin dagaal?

3.Ma Caqli iyo bisayl cusub,ayaa ukordhay?

4.Ma hadaladiisii iska hor imaan jiraybaa?

5.Ma awood shisheeye oo ku khasabtay isbadalkan,ayaa jirta?

Xigmada hadalkiisa laga dheehan karo,waxay kusoo ururaysaa Labo Qodob….

1.Fashil in uu ku yimid hawlgalkii la dagaallanka Shabaab oo ay soo xirantay rajadii Bulshada ee ahayd dagaalkii oo dib loogu laabto.

2.In ay muuqato wada hadal soo socda oo keeni kara in Shabaab B&K Wadanka lagu wareejiyo sida Daalibaan.

Looba jooge??

JQ.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading