Xasan Shiikh oo fariin Muuse taageero u ah udiray Somaliland

Xasan Shiikh oo ka hadlayay Maalmaha Xoriyada iyo Midnimada Somaliyed,ayaa ka hadlay arimaha SL.

“Saraakiishii dadka dilayey ee qafaalanayey xiligii Siyaad Barre ayaa madax ka ah Somaliland”Ayuu yiri Xasan Shiikh.

Erayo qurxoon oo kasoo baxaya Qof khaldan,ayaa lagu tilmaami karaa hadalka Xasan ee ku aadan SL.

114-ka Quraanka,ayaan aqaanaa,waxaa ka horaysa yaa kaa akhrisanaya?

Haatan Xasan,hadalladiisa wanaagsan Dadku xiiso uma hayaan mana jirto hal Quluub oo Qof Somaliya leeyahay oo ay ku shumayaan,sababtoo ah,waxaa lagu bartay Af iyo Uur iskhilaafsan.

Yaa amini kara in uu daacad ka yahay Nabada SL?

Yaa aamini kara in uu daacad ka yahay Doorashada SL?

Yaa aamini kara in uu la rabo wanaag SL?

Xasan in uu ka aamuso Doorashada iyo nabada SL,ayaa ufiicnayd,sababtoo ah hadalkiisu Muuse,ayuu taageero unoqonayaa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading