Xasan Shiikh oo hor istaagay Mashruuc lagu dhisayo Wadada Galkacyo-Xarfo

Xogta Mashruucan?

Baanka horumarinta Africa,ayaa bixiyay Mashruucan oo siiyay PL.

Mashruucan,waa dhismaha Wadada Gaalkacyo-Xarfo.

Kadib Xasan Shiikh iyo kooxdiisa,ayaa damcay in ay ka wareejiyaan PL oo Galmudug ula wareegaan,waxaase ka hawlgashay PL oo kasoo dhicisay.

Markale,waxay isku dayeen in Mashruuca Lacagtiisa la fashiliyo,waxayna Wasaaradooda Hawlaha Guud ee Xamar amartay in Qandaraaska ay iyadu bixinayso oo fulinayso Mashruuca.

Ujeedkoodu,waa in Mashruuca la siiyo Shirkad uu leeyahay Xasan oo ay Maamusho Gabadhiisa,markaas kadibna Lacagta Mashruuca Sadex meelood oo meel loo fasaxo,kadibna ay ku doodaan muranka Siyaasadeed,ayaa na hakiyay ee kuma fulin karno xiligii loogu talagalay hanala siiyo wakhti dheeriya.

Sidoo kale marka ay helaan mudo dherersiga,waxay dalban doonaan Wajiga Labaad ee Lacagta oo ay ku doodi doonaan in ay Shaqada ku wadayaan.

Marka ugu danbaysa,waxay rabaan in Lacagta Sadex Meelood oo Labo markay lunto in sidaa Mashruuca lagu hakiyo oo uu fashilmo.

PL oo fahansan qorshaha Xamar,ayaa ka hor tagtay isku daygooda Labaad,waxayna Baanka u qortay Qoraal ay ku sheegayso…

1.In Dowlada Xamar aysan Shaqo ku lahayn fulinta Mashaariicda oo ay kaliya leedahay Ogaysiin.

2.In PL xaq uleedahay fulinta Mashruucyada.

3.In ay jiraan Qodobo ay kuwada Shaqeeyaan Baanka Aduunka iyo PL,kuwaasna loo marayo fulinta Mashruucan,kuwaasoo ay ka mid yihiin….

B.In Madaxa Mashruuca uu PL fadhiyo.
T.In Lacagta lasoo mariyo W.Maaliyada PL.
J.In Qandaraaska ay bixiso PL.
X.In dabagalka ay leedahay PL.

Kooxda Xamar oo aad uga qaracantay talaabada PL,ayaa soo adeegsanaysa Nimanka ku magacaaban Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta PL ku matala Xamar,gaar ahaan kuwa Mudug.

Ragaas Xamar ujooga danahooda gaarka ah,ayaa Saxaafada marinaya eedayn been abuur ah oo oranaysa “PL oo hor istaagtay Mashruuc laga fulin lahaa Mudug”.

Dowlada PL,waxay ku dagaalamaysaa ilaalinta danaha masiiriga ah ee Shacabkeeda,waxayna ka feejigan tahay bahalnimada Villa Xamar.

 

Halkan ka akhriso Warqada ay ka qortay PL:-

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading