Xasan Shiikh oo ka jeediyay Baarlamaanka khudbad Faalso ah

Argagixisada?

Maalin ka hor ayay qabsadeen 10-Magaalo oo Xamar ku hareeraysan,waana ku fashilmay Dagaalkii uu ku qaaday Sanad ka hor.

Saldhiga Dayax-Gacmeedka?

Turkiga,ayaa qorshaynaya in uu ka dhisto Saldhig Dayax-Gacmeed Somaliya,kaasoo uu rabo in uu sii kireeyo,mahan wax Somali leedahay ama dan ugu jirto kaliya,waa wax Xasan xoogaa Shaaha ka helayo.

Dayn qaadasho?

Dayn qaadashada ufuran Somaliya mahan Lacag Cadaan ah ee waa Mashaariic,waxayna ku xiran tahay Siyaasad midaysan iyo Amni laysku halayn karo.

Doorasho Q&C?

Somaliya Doorasho Q&C ay ka dhacayso majirto,balse,waa qorshe Xasan Kursiga kusii joogayo oo ku samaysanayo mudo kotorsi 2-Sano ah.

Dastuurka?

Somalidu,waxay heshiis ku ahayd,waa Dastuurka,si khaldan,ayuuna udhexgalay,waxaana soo baxaya mid isagu gaar uleeyahay oo sii kala qaybiya Somalida,marka ugu danbaysana kala Raga Wadanka,ayuu sababayaa.

PL iyo taageeradiisa?

Macno ma samaynayn soo hadalqaadistiisa hawlgalka,waana Ciyow,waa ka baryay oo Nin sheegta MW JFS ,ayaa noqday Qofka ugu danbeeya ee bogaadiya Dal uu ka yahay masuulka ugu sareeya.

Maamulka hawlgeliyay Ciidamada,isla markaana isku dubariday Shacabka oo kasbaday taageerada caalamka ma bogaadin,taa badalkeeda,waa xaqirayaa,waxa uu Magac dhabayaa Shacab iyo Ciidan,sidoo kale Maqaamka Nidaam ee PL,ayuu hoos udhigayaa oo waxa uu si diciif ah uleeyahay (Waqooyi Bari Ama DG Puntland).

Xasan,khudbadiisa Maanta kama duwanayn kuwii Jimcaha.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading