Xasan Shiikh oo ugu danbayn aqbalay in uu ku fashilmay wax ka badalkii Dastuurka

Madaxweyne Xasan Shiikh,waxaa ka muuqata in uu soo degay oo waaqiciga kusoo dhawaaday.

Hadalkiisii Saakay,waxuu ahaa mid muujinaya jabka Siyaasi ee ka raacay qorshihii wax ka badalka Dastuurka.

Khudbadii ka horaysay midan,waa ku hanjabay,wuxuuna ku sheegay in aan cidna loo joo jiinayn.. ” Waa la badalaa Dastuurka,cidna loo jiijin mahayo”.

Haatan,waxuu aqbalay in mudo xileedka harsan laga faa’idaysto,iyadoo la marayo habraaca wax ka badalka Dastuurka ee ah wada tashi iyo isla ogol.

Qodobka 54-Aad ee Dastuurka, ayaa qeexaya in DG lagala tashto arimaha saamaynaya sida midkan wax ka badalka Dastuurka oo kale.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading