Xasan Shiikh oo Wasiirada ku amray in ay socod siiyaan qorshihiisii Fadaraal burburinta

Shirka uu la qaatay Golaha Wasiirada Fadaraalka Madaxweyne Xasan saakay,waxa uu kala hadlay hal arin oo ah socod siinta Warmurtiyeedkii Shirkii Madashii ee ay PL ka maqnayd.

Wasiirada,waxaa loo sheegay in ay qayb ka qaataan sidii Baarlamaanka looga gadi lahaa Warmurtiyeedkaas iyo wixii ku qornaa,waxaana Wasiir walba laga rabaa 5-Xildhibaan oo taageera Warmurtiyeedkaas.

Si kale hadii loo dhigo,waa haal socodsiiyo qorshaha dhigaya Wadanka Dastuurkiisa hala burburiyo hana loo badalo Dowlad Hal Xaafiis ah oo leh Madaxweyne iyo ku xigeen,isla markaana shuruucda ay ku shaqaynayso ay yihiin Dowlad dhexe oo aan Fadaraali ahayn.

Xasan way kaga dhagan tahay socod siinta Warmurtiyeedkaas,waase midkii soo afjari lahaa rajada yar ee laga qabo Qaran Somaliyed oo dib u istaaga.

Si gaar ah hadii Labada Gole ee Baarlamaanku socod siiyaan Warmurtiyeedkaas iyo wixii ku qornaa,waxay hiil weyn utahay Deni oo xilligan culays Siyaasadeed PL ka haysto.

Haba yaraatee wax door ah maleh awoodii Dastuuriga ahayd ee Ra’isalwasaaraha JFS.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading