Xasanoow Wax Uun Armaad Reebeeysaa Kabo Xataa Allaha Ka Dhigee

Ganacsato Ciidamada Xooga Dalka lawareegay Waa Xaraash iyo Xoolo Jaban dhar Iyo Kabo iskadaaye Ciidamada Danab ayaa Garaamkooda Raashinka ahaa la iibsaday.

Alle haw naxariistee Ciidankii geeriyooday ee la odhan jiray Harimcad oo intii ka soo hadhay kabo la’yihiin.

Maxaa haybad geeriyootay, ma cudud la baabiiyey, maxaa ciidan qiimo badnaa qunyar loo tirtiray.

Sawirkaan waxaa ciidankii sumcadda lahaan jiray ee burburay ee haramcad oo lagu sheegay in maanta tabbobar uu u soo xiray wasiirka amniga.

Oo adeeroow xataa kabo ma loo waayay oo wixii kabo bakhaarada ka buuxa jiray iyagana mala iibsaday? Askari-askari kale ku kabo ah kuma jiro.

Sidaan oo kale ayaan-dhexe waxay bulshadu ka argagaxday markii la daawaday ciidan dalka dibaddiisa tabbobar u aaday oo baca wata.

Ciidankaa heybada lahaa ee Haramcad ee ciidamada dalka ugu nidaamsanaa saan miyaa u danbeeysay?

Xasanoow, adeeroow, wax uun armaad reebeeysaa kabo xataa allaha ka dhigee!!


WQ:// Cali Yare Cali


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading