Xassan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada kamid ah Xisbigiisa (Sawirro)

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samata-bixinta dalka iyo abuurista jawi xasillan oo suuro-gelin kara wadatashi si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladaan kala guurka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading