Xero Siinaay oo lagu wareejiyay Islaan Bashiir Islaan Cabdille

Saraakiil ciidan oo Muddo ku dhow 30 Sanno gacanta ku hayay Xeradda Ciidamadda Siinay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta ku wareejiyay Isimadda Gobalka mudug oo u hogaaminayay islaan Bashiir Islaan C/dille, si loogu iibiyo, looguna dhiso Dekadda Garacad.

Xeradda Siinay ayaa Xiligii ay jirtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa lagu dhisay si iska wax u qabso ah iyadoo la adeegsanayo hal ku dhigii ahaa ” anna dhoobadda adna dhagax Ninkii dhuunta dhaxal ku ma lahan”. Sida aan ka so xigtay Col.Xusen oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamadda Hore ee Soomaaliya

Dhinaca kale, Xeradda warshadda Kibidda oo iyana u ahaa qorshuhu in sidaan oo kale saraakiisha gacanta ku haysa u so wareejiyaan si loo iibiyo looguna darro Dhismaha Dekadda Garacad ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda anaan lagu guulaysan, waxaana jira dadaalo ay wadaan dhaqanku oo la doonayo in arintaas looga guul gaaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading