Xil.Abiib oo quusgooyay isbahaysiyadii kasoo horjeeday SL

Qof walba oo Somaliya oo aragti leh,waa in uu ku taageeraa Xil.Abiib hadalkiisa Maanta ee uu ku ilaalshay Midnimada iyo jiritaanka Somaliland.

Saakay in uu kaga dhawaaqo Awdal in uu ka go’ay SL,waxay jab kusii ahaan lahayd Somalida Geeska Afrika ee xaalada adag ku jirta.

Hankiisa iyo danaha Deegaankiisa,ayuu fahmay oo usahan tagay,wuxuuna uquusgooyay isbahaysiyadii kasoo horjeeday Somaliland.

Caqliga saliimka ah ma taageerayo in Dhul iyo Dad Somaliyed la burburiyo oo laga Shaqeeyo kala tagooda.

Somaliland oo isku duuban,isla markaana samaynaysa horumar,ayaa wax noogu taal hadaan nahay Ummadda Somaliyed.

Abiib fariin buu udiray Villa Somaliyada keeni wayday aragti midayn karta Somalida Geeska Afrika rabi ku beeray ee Diinta,Dhaqanka iyo Dhiiga midka ka ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading