Xil. Mahad Salaad ” 8 furimood oo Galmudug ah buu dagaal ka socda, Qoorqoorna xafiiska Fahad Yaasiin..”

Xildhibaan Mahad Salaad, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoona sheegay inay Galmudug wajahayso xaalad adag oo isugu jirta duulaan ay Al-Shabaab kusoo qaaday iyo dagaal beeleedyo.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad.

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.

Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.

Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

BAL ADIGU WAX DHEH!

Hon. Mahad Salad


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading