Xildhibaan Cosoble”Maadxweynuhu awood dastuuri ah uma laha xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada sare”

Xildhibaan Cosoble Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Madaxweyne farmaajo looga baahan yahay inuu xuso qodobada Dastuurka ama xeerarka Garsoorka ee uu u cuskaday xil ka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada sare.
 
“Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu xuso qodobada dastuurka ama xeerarka garsoorka uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle, Haddii dastuurkii aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arrinkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan Baarlamaanka ka fariisto”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha ay aheyd inuu faro Xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida Baarlamaanka ee Guddiga Adeega Garsoorka.
 
“Waxay aheyd Madaxweynaha in uu faro Xukuumadda in ay dedejiso soo hordhigida baarlamanka guddiga adeega garsoorka oo markii u dambeysay codsatay, in bil gudaheeda ay ku keeni doonto, baarlamaanka guddigaas dhismihiisa, si gudigaasi uu ugu soo gudbiyo Xukuumadda ruuxa qaban kara xilalka garsoorka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
 
Xildhibaanka ayaa sheegay in magacaabida uu sameeyay Madaxweynaha aanay aheyn mid uu tilmaamay waxa uu u cuskaday xil ka qaadista ama magacaabida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, balse ay u egtahay ku tagri fal awood iyo Garsoorka oo noqday mid aan ka madax banaaneyneyn Madaxweynaha, hadiiba uu wixii uu doono ka sameynayo.
 
Xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Farmaajo maanta Gudoomiyihii maxkamada sare,ayaa dhaliyay muran sharciyadeed xoog badan.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading