Xildhibaan cusub oo loo dhaariyay Baarlamaanka Puntland

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo badaley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari.

Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading