Xildhibaan Dhaashane oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha

Waxaa Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Puntland loo doortay Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane.

Dhaashane,ayaa horay uga mid ahaa Xisbiga Kaah,balse Maalin ka hor,ayuu iska casilay xubinimadii Xisbiga.

Todobaadkii hore,ayay ahayd markii Golaha Dhexe ee Xisbiga Shaqaalaha uu xilkii ka qaaday Gudoomiye Cabdirashiid oo lagu eedeeyay ku tagrifal awoodeed iyo musuq.

Dhaashane,waa Siyaasi Da’a yar oo firfircoon lehna han iyo aragti uu hiigsanayo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading