Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka oo maanta geeriyooday

Allaha u naxariistee waxa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho Xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo ka tirsanaa baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Marxuum Siciid Xasan Geedi ayaa la sheegay inuu hayay xanuunka dhiig karka kaas oo isbitalka loo jiifiyay ka hor inta aanuu geeriyoon.

Xildhibaanka ayaa ahaa kii kali ahaa ee ka baaqday doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya xannuun awgii.

Marxuumka ayaa kamid ahaa xildhibaanadii baarlamankii hore.

Siciid Xasan Geedi ayaa horey uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee dawladdii Maxamad Siyaad Bare isagoo ka gaaray darajada janaraalnimo, wuxuuna ka soo jeedaa oo uu ku matalayay baarlamaanka gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

1 Comment on "Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka oo maanta geeriyooday"

  1. Allaha unaxariisto

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading