Xildhibaanad Dalays oo loo diiday inay ka dhoofto Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho xilli ay ku wajahneyd deegaano katirsan Gobolka Gedo oo deegaan doorashadeedu tahay.

Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo Maanta ka hadley kulanka Baarlamaanka ayaa sheegtay in saakay mar ay dooneysay inay u dhoofto Gobolka gedo loo sheegay inaysan bixin karin,isla markaana ay heysato Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Xildhibaannada ayaa Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loogu diiday inay aado deegaanka Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo iyo waxa lagu heysto,taas oo keentay in Guddoonka Golaha uu dalbaday in Ajandaha Maanta lagu soo daro.

Horay ayaa tira laba jeer ah waxaa Garoonka diyaaradaha muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading