Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay Golaha Adeegga garsoorka (VIDEO)

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay xubnaha Golaha Adeegga garsoorka oo ay u soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya.

Kulankoodii 6-aad Kalfadhiga 8-aad  oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 145 xildhibaan, kuwaas oo si Wadajir ah u ansixiyay Guddigan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.

Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka usoo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga  la dagaalanka musuq maasuqa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading