Xildhibaanada iyo Siyaasiinta Beesha Hawiye oo soo saaray go’aamo ay kaga soo horjeedaan Xasan Sh.

Xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Hawiye,ayaa Caawa kulan iskugu yimid,kaasoo ka dhacay Magaalada Muqdisho .

Kulanlan,waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada,Ganacsato,Siyaasiyiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood.

Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay…

1. Waxaa la doortay Guddi qabanqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

2. In xal loo helo cabashada xargaha goosatay ee Ganacsatada Somaliyed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada toosinta Dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading