Xildhibaanada Puntland Oo ka dooday xeerka hawlgabka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland kaas oo shalay Golaha bilaabeen ka doodistiisa.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa maalintii 2aad qodob-qodob uga doodaya Xeerkaan oo ka kooban 54 Qodob, waxayna cod gacan taag ah mid mid ugu ansixiyeen 20 Qodob oo ka mid ah xeerka.

Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland,ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading