Xildhibaanada Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka (VIDEO)

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, Jaamac Faarax Xassan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Cabdrisaaq Xirsi Xassan ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

https://youtu.be/_ixYnbuTfSU

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading