Xildhibaanno kale oo Dhuusamareeb lagu doortay Maanta

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta lagu doortay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Abuukar Jacafa iyo Cadar Cali Maxamed.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abukar Jacfar ayaa ku guulestay kursiga Hop 025, kaddib markii musharraxi la tartamayay oo ahaa Xasan Cali uu u tanaasulay, iyadoo si gacan taag ah erga gaareysa 100 ay ku ansixiyeen.

Kursiga kale ee isna maanta la doortay waxaa ku guuleysatay Cadar Maxamed Cali, kaddib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabey.

Dhinaca kale,waxaa guddiga doorashada Galmudug ay dib u dhigeen doorashada saddex kursi, kuwaas oo ay ka jiraan caqabado ay ka mid yihiin habraaca doorashada iyo kootada haweenka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading