Xildhibaano Su’aalo weydiiyay Wasiirka Qorsheynta Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Puntland Cabdiqafaar Xaange ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Guddiga ayaa ka dhageystay Masuuliyiinta Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading