Xisaabiyihii hore Ee dowlada hoose Gaalkacyo Oo goor dhawayd la dilay

Mid ka mid ah khubaradii dowlada hoose ee Gaalkacyo ,ayaa goor dhawayd waxay kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ku dileen agagaarka shirkada Golis ee Gaalkacyo.
 
Masuulka la dilay ayaa xiliga ay xabadu haleeshay marayay meel u dhow hoygiisa
 
Xabada ayaa ka haleeshay Madaxa sida ay u xaqiijiyeen goob joogayaal idil news,waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Gaalkacyo halkaas oo uu ugu danbayntii ugu geeriyooday dhaawacii.
 
Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo Axmed Deeq Maxamed Cali Hayaan oo ahaa rug cadaa ka mid ah khubarada dowlada hoose,isla markaana soo qabtay xilal kala duwan oo ka mid ah masuuliyadaha dowlada hoose ee Gaalkacyo.
 
Gaalkacyo waxay ka nasatay waayahan danbe dilalkii iyo qaraxyadii loo gaysanayay masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading