Xisbiga ANC oo ku wajahaya Doorashada loo dareeray loolan adag

Dadka Koonfur Afrika,ayaa maanta codeynaya mid ka mid ah doorashooyinka guud ee ugu muhiimsan dalka ilaa dhammaadkii Midabtakoorka.

Xisbiga talada haya ee ANC kaas oo wadanka ka xoreeyay cadaanka tirada yar xukunkooda ayey suuragal tahay in uu lumiyo aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horeysay.

Taageerayaasha Xisbiga;ayaa aad uga careysan musuqmaasuqa, dambiyada sii kordhaya iyo biyo iyo koronto yarida. Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo codkiisa ka dhiibanayay Soweto,ayaa sheegay in aysan shaki ugu jirin in dadka ay tusinayaan kalsoonidooda ANC.

John Steenhuisen, hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Isbahaysiga Dimuqraadiyadda ayaa ku tilmaamay codeynta in ay tahay fursadii ugu horeysay ee muddo Soddon Sano ah isbeddel lagu sameynayo.

Dad badan oo codeynayay,ayaa qabowga arroortii hore ku dhiiraday in ay soo baxaan. Qaar ka mid ah dadweynahaas ayaa carro kaga tagay goobaha codeynta ee dalka kaddib markii la waayay magacooda.

“Magaceyga wuu aqrin waayay Mashiinka. Markasta halkan ayaan ka codeeyaa balse maanta Magaceyga halkan ma yaalo”’Ayuu yiri Nomvula Ziswana oo 53 jir ah


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading