Xisbiga Xasan Sheekh oo ugu baaqay DF Soomaaliya inay soo Bandhigto Xogta Shirkii London (War-saxaafadeed)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, oo uu Hoggaamiyo Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muranka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, xiriirkana la leh muranka xuduud baddeedka ee labada Dal.

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa soo dhaweeyay Mowqifka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana uu sheegay inay Soomaaliya xor u tahay ka talinta iyo Go,aaminta Sugnaanta Xaduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.

Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha SAHMINTA shidaalka, gaar ahaan xaraashkii ka dhacay London 7-dii Feb. ee shidaalka ku duugan badaha dalkeena.

Akhriso War-saxaafadeedka Kasoo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading