Xisbigii Shaqaalaha oo inqilaab uusan Dhiig ku daadan lagu kala furtay

Xisbiga Shaqaalaha oo ka mid ah Xisbiyada Puntland ee Siyaasada,ayaa inqilaab lagu kala qaaday.

Golihii Dhexe ee Xisbiga,ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Cabdirashiid Sh.Maxamuud,waxayna kmg ahaan Xisbiga hogaamintiisii ay udhiibeen Gudoomiye xigeenkii.

Sidoo kale,waxaa la badalay Xubintii ku matalaysay Gudiga Doorashada ee Gudoomiyihii Xilka laga qaaday uu horay umagacaabay.

Sida xogo hoose ay sheegayaan maalmo kadib,waxaa la filayaa in Gudoomiye loo doorto Xil.Dhaashane.

Xilka qaadista Gudoomiyaha,ayaa Golaha Dhexe ucuskadeen ku tagrifal awoodeed iyo lunsasho dhaqaale Xisbiga magaciisa lagu helay.

Inqilaabkan,ayaa xogo hoose oo lagu kalsoonaan karo,waxay sheegayaan in ay isku bahaysteen Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xil.Dhaashane.

Xubinta Gudiga Doorashada ku matalaysa Xisbiga oo ah Gabar kasoo jeeda Sanaag,ayaa waxay xoguhu xaqiijinayaan in uu keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Abwaan Jibril.

Xisbiga Shaqaalaha,waxaa Aas-aasay oo la yimid PL Gudoomiyaha banaanka laga dhigay Cabdirashiid Sh.Maxamuud.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading