Xisbiyada Siyaasada PL oo xaqiijiyay in ay Doorashada Qof iyo Cod ka qaybgalayaan

Sidii la filayay Xisbiyada iyo Gudiga Doorashada wadajir ayay Shir jaraa’id uqabteen saakay oo Sabti ah.

Lix ka mid ah Xisbiyada oo ay ka maqan yihiin Labo,waxay xaqiijiyeen in ay Doorashada si buuxda ugalayaan shuruud la’aan.

Go’aanka Xisbiyada,waxuu sii xoojinayaa dooda MW Deni ee Doorasho Qof iyo Cod ah.

Sida muuqata MW Deni Mucaaradka diidan Doorashada Qof iyo Cod legdin Siyaasadeed,ayuu ku dhuftay oo wada hadal iyo Gacan furan,ayuu ugu baaqay.

Mucaaradku Wada xaajoodka ma diidi karaan oo waxay noqonayaan qaswadayaal,sidoo kale ma oran karaan Qof iyo Cod hala joojiyo si toos ah.

Kubad Siyaasadeed oo ay adag tahay in ay ka badbaadaan Mucaaradka diidan Doorashada Qof iyo Cod,ayuu Deni ku laaday.

Isniinta Baarlamaanka,ayaa ansixin doona Xeerarka Doorashada Qof iyo Cod lagu galayo.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading