Xisbulaah oo qiratay Geerida hogaamiyahoodii Xasan Nasrullaah

Xisbulaah ugu danbayn,way aqbashay in la shaaciyo Geerida hogaamiyahoodii Xasan Nasrullah.

Israa’iil,waxay iyadu xaqiijisay in ay dishay Shalay Duhurkii Xasan Nasrullaah.

Netanyahu ka hor inta uusan uduulin Shirkii QM,ayuu saxiixay Dilka Xasan Nasrullaah.

Waxaa lagu dhuftay Gantaal kuwa Shubka ka dhex baxa ah,waxaana Israa’iil uxaqiijiyay Dilkiisa,Basaasinta muhiimka ah ee ay ku dhex leedahay Xisbullaah.

Sidoo kale Xisbullaah,waxaa laga dilay 11-Sarkaal oo muhiim ahaa.

75-Gantaal oo kuwa Shubka ka dhex baxa ah ayay Israa’iil ku gaaracday Xarumaha Xisbullaah Shalay oo qura.

Israa’iil,waxay kaloo Koonfurta Lubnaan ka fulisay hawlgal dhaliyay 350-Qof oo dhimasha ah iyo 2700-Qof oo dhaawac ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading