Xisbullah oo si adag ugu hanjabtay Israa’iil

Xizbullah ayaa Arbacadii sheegtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Qasa uu fido.

Madaxa Xizbullah Shiikh Xassan Nasrallah,ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri “meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.”

Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda diyaaradaha ama saldhigyadeeda u ogolaato in Israel “ay ka beegsato Lubnaan.”

Jasiiraddan,ayaa hoy u ah laba saldhig Militari oo British ah, oo uu ku jiro saldhig ciidamada cirka ah, balse waxay ku yaallaan dhul madax-banaan oo British ah oo aysan maamulin dowladda Qubrus.

Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee dagaalka, wuxuuna sheegay in Qubrus ay “qayb ka tahay xalka”, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay marinka bini’aadannimo ee dhanka badda ee Qasa “oo ay aqoonsan yihiin dhammaan beesha caalamka”.

Cabsida laga qabo in Israel ay dagaal buuxa ku qaadi karto Lubnaan ayaa sare u kacday ayada oo militariga Israel ay Talaadadii ku dhowaaqeen “qorshe howleedka duulaan loogu qaadayo Lubnaan waa la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

Arbacadii, Israel ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay garaaceen goobo Xizbullah ay ku leedahay koonfurta Lubnaan xilli habeen ah, halka ay sidoo kale werisay in diyaarado aan duuliye la socon ay ciidamadeeda ku beegsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Metula, weerarkaas oo ay sheegatay Xisbullah.

Xisbullah,ayaa dhanka kale ku dhowaaqday geerida afar ka mid ah dagaal-yahanadeeda.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeysay dhowr goob oo ka tirsan koonfurta Lubnaan Arbacadii, oo ay ku jirto xaafadda ku taalla xuduudda ee Khiam.

Xisbullah ayaa dhankeedana sheegtay in ay “dhowr gantaal oo Katyusha ah iyo madafaiic kale” ku garaaceen deegaanka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel, si ay uga aargutaan weerarka lagu soo qaaday.

Maalin ka hor, kooxda islaamiga ah ayaa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ka badan oo hawada sare laga duubay oo muujinaya waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan wax ay ku sheegeen inay yihiin goobo militari, difaac iyo tamar oo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada Dekadda leh ee Haifa ee Israel.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading