Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa’iil

Kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan,ayaa in ka badan 200 oo Gantaal iyo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaadday Waqooyiga Israa’iil, iyadoo ka jawaabeysa dilka mid ka mid ah Talyeyaasheeda ugu sarreeya.

Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in mid ka mid ah Saraakiishiisa lagu dilay weerarkan, oo ku billowday tiro Gantaallo ah.

Milatariga,ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyada Xisbullah ee koofurta Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay weerarkooda.

Taliyihii Xisbullah,ayaa lagu dilay duqeymo Cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Magaalada koofurta Lubnaan ku taalla ee Tyre.

Maxammed Nimah Nasser,wuxuu ka mid ah Saraakiisha ugu sarreeya ee kooxda ee lagu dilo dagaalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading