XOG: Al-Shabaab oo Horjooge cusub u soo magacowday Gobalka Mudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa u magacowday Nin lagu magacaabo Farxaan Xarfe horjoogaha cusub ee Ururka u qaabilsan Gobalka Mudug, sida ay u sheegeen Idilnews saraakiil kamid ah Sirdoonka Puntland.

Farxaan Xarfe ayaa kasoo jeeda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, waxaana magacaabistiisa imaanaysa xilli Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab uu jab xooggan kasoo gaaray Gobalka Mudug, ayna Ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen Horjoogeyaashii iyo Maleeshiyaadkii Kooxda uga howlgali jiray Gobalka Mudug.

Horjooge Farxaan ayaa mar soo galay Magaalada Gaalkacyo, balse Sirdoonka Puntland oo hayay xogtiisa ayaa bilaabay baadigoobka ninka oo haatan u cararay degmadda Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud oo Al-Shabaab heysato.

Sirdoonka Puntland ayaa intaas ku daraya in Horjooge Xarfe uu haatan ku mashquulsan yahay inuu abaabul falal Argagixiso oo ka dhaca magaaladda Gaalkacyo, ayna la socdaan dhaqdhaqaaqa Kooxda.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading