Xog amaan oo ku wajahan Garowe iyo Shirka Heritage

Fariin digniin ah!!

Maanta iyo beri waxaa dhici karta in Garowe lagu daadiyo Waraaqo looga soo horjeedo Shirarka soo fool leh.

Waraaqahaas waxaa daadin doona dhalinyaro lacag lagu soo siiyay oo Xamar laga soo abaabulay.

Sidoo kale khataro amaanka lid ku ah,ayaa ka imaanaya Xamar iyo Nabar iyo Naxdin.

Dowlada Puntland waa in ay qaadaa dhawr talaabo isla maantaba!!!

1.Amaanka Hotelada Martisoor,Grand iyo Eyl waa in ay la wareegtaa maanta.

2.Wadooyinka waa weyn ee Magaalada waa in ay xoojisaa amaankooda.

3.Kayntaroolada oo dhan waa in kor loo qaadaa baaristooda,gaar ahaan kan Laascaanood loo aado.

4.Dadka kasoo degaya Garoomada waa in si gaar ah loola socdaa.

Shirkan waa muhiim waliba xiligan,waana kan kula loolamaya Nabar iyo Naxdin hogaaminta dalka.

Puntland shirkan macno weyn,ayuu ugu fadhiyaa.

Awooda amaan ee Puntland ay leedahay waa in ay galisaa badqabka qabsoomida Shirkan!!

Fiiri gaar ah!!

Shirka waxaa lasii ogaaday laba todobaad ka hor taasoo keenaysa in loo sii diyaar garoobo!!

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading