Waxay weerareen Laba Guuto oo kala ah….
1.Guuto 1-Aad.
2.Guuto 3-Aad.
Waxay kusoo weerareen Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ka buuxaan.
Qiyaasta tirada argagixisada soo weerar tagtay,waa 300-Nin wax ka badan.
Mid ka mid ah Gawaarida Qaraxyadu ku rarnaayeen,ayaa qarxay,kaasoo ahaa Saruf,halka midkii kale oo Dyna ah uusan qarxin oo Darawalka laga toogtay.
Guuto 1-Aad,wax badan Nimanka isma hor fadhin oo waa jabiyeen,waana ku socdeen oo Laba rac oo soo weeraray Cagtay mariyeen.
Khasaaraha Guutadaas soo gaaray,waa 9-Dhaawaca mana jirto Dhimasho.
Guuto 3-Aad,ayaa culays xoog leh saarnaa oo dagaalku ku daahay.
Khasaaraha soo gaaray Guutadan oo aan weli dhamaystirnayn,waa 10-Dhimasho ah iyo Dhaawac aysan Tiradiisu suganayn.
Ugu danbayn Argagixisada,way jabiyeen Ciidamada Difaaca PL,waxaana daadsan Maydadkooda goobihii lagu diriray,isla markaana qiyaastii 300-Nin,waxaa baxsaday ilaa 60-Nin.
Waa loo baahnaa in ay Godka kasoo baxaan oo soo weerar tagaan.
Hal dagaal oo kale,ayaa la filayaa in ay ku harsan tahay argagixisada sida xoguhu sheegayaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.