Xog:-Argagixisadii oo koox koox ukala firxatay

Argagixisadu,waa Niyad jabsan tahay,waxaana ka burburay Taliskii oo waa kala firxadeen oo kala Shakiyeen.

Wangoble, Onqoro,Curaar ilaa Dasaan ilaa Miraale ayay ku jiraan,kuwaasoo Turmasaale ka jira Waqooyi iyo Waqooyi Galbeed.

Sarakiil badan oo argagixisada ah oo Somalida Koonfureed ah aadna uniyad jabsan,ayaa isa soo dhiibaya Maalmahan,waxayna soo sameeyeen xiriir.

Ajnabiga dantaa ku khasbaysa in ay dagaalaamaan oo meel ay u fakadaan ma haystaan,waxaana ku dhaqaaqay Ciidanka PL ee Dhulka.

Ajaanibku,waa Ciidan badan oo gaaraya ilaa 400 oo ukala fadhiya koox koox oo kala jooga meelo kala duwan.

Argagixisadu gadaal uma sii guran karto oo Sadex Jiho,ayuu Ciidanku uga soo dhaqaaqay,waxayna ku khasban yihiin in ay wajahaan markan.

Ciidamada Difaaca Puntland,waa guulaysanayaan siday horay ugu soo guulaysteen Wajigii 1-Aad.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading