XOG: Farmaajo oo bilaabay Olale uu kula kulmayo Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bilaabay dadaalo uu doonayo inuu kulan kula yeesho Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Farmaajo uu ka codsaday Xildhibaano, Wasiiro iyo saaxiibada Labada Madaxweyne inay la kulan siiyaan.

Siciid Deni oo maanta tagaya Muqdisho iyo Axmed Madoobe ayaa horey dhowr mar oo ay tageen Muqdisho u diiday la kulanka Farmaajo, sidoo kale labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii hore ee Golaha Wada-tashiga Qaran iska diiday inay ka qeybgalaan casho-sharaf uu Farmaajo ku casuumay Madaxda Golaha.

Farmaajo ayaa haatan go’doon siyaasadeed, isagoona aan wax saameyn ah ku laheyn Hanaanka Doorashooyinka, Arrimaha Amniga iyo siyaasadda Dibedda Dalka, waxaana la kulanka Deni iyo Axmed Madoobe uu u arko inay u abuuri karto fursad uu uga soo bixi karo go’doonka siyaasadeed iyo daawashada Villa Soomaaliya.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading