Xog:-Kulanka Xasan Sh iyo Sadexda Dowlad Goboleed

Ilaa Galabta in ay soo saaraan Warmurtiyeedkooda ayay ubadan tahay Xasan iyo Sadexda DG.

Warqada kasoo bixi doonta xogaha hordhaca ah ee laga helayo,waxay sheegayaan in ay kusii adkaysan doonaan qorshahoodii mudo kororsiga….

1.In Hal Sano lagu qabto Doorashooyinka Dowladaha Hoose,taasoo loo samaynayo hab raac mudaysan.

2.In Gudi Doorasho oo Hal mid ah la sameeyo.

JL,waxaa uga qorshaysan in la inkiro maqnaanshaheeda hadii ay Aamuska ay aamusan tahay kusii jirtana si la mid ah looga aamuso oo Shaqada la wato,hadiise ay JL hadasho oo ka hor timaado Warkooda in ay ku qaadaan dagaal Cir iyo Dhul ah.

Sida ay sheegayaan xogo laga helayo Xamar,waxaa jiray kulan ay ka yeesheen Faarax Cabdiqaadir,Balcad iyo Xamse,kaasoo lagu gorfaynayay sida loola dirirayo Axmed Madoob,waxaana kulanka keenay haelgalo uga doyaarsan gudaha Kismaayo Xamse.

Dhanka kale Kenya,way ku warcelisay Xasan,waxayna usheegtay in Axmed ka tala diiday,isla markaana Qodobo dood ah soo gudbiyay.

Kenya,waxay Xasan iyo kooxdiida usheegtay,hadaad danaynaysaan,waan idin la wadaagi karnaa dooda Axmed,balse Xasan iyo kooxdiisu,waxay ugu jawaabeen naga wars uga.

Qodobka muhiimka ah,waa in ay Xasan iyo kooxdiidu Kenya waydiiyeen mowqifkooda ku aadan khilaafka Axmed iyo iyaga,waxayna Kenya usheegtay markay timaado Kenya iyo mowqifkeeda in ay ilaalinayaan Nidaamka Dowladnimo ee Somaliya oo ay Villa Somaliya ku raacayaan mowqifka ay ka qaadato,taasoo umuuqata War Diblomaasiyadeed.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading