XOG: Kulankii Farmaajo iyo Rooble oo fashilmay, Maxaa sababay?

Kulan galabta dhexmaray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kusoo dhamaaday fashil, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka biyo diiday inuu sameeyo tanaasul.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa la sheegay in lagu kala kacay Ra’iisul Wasaaruhu ku adkeystay inay lama taabtaan tahay go’aankiisa shaqo ka joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin, magacaabidii Agaasimaha KMG iyo in Kiiska baaritaanka Maxkamadda horay loo sii wado.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu aqbalay xil ka qaadista Fahad Yaasiin, iyo magacaabista Agaasimaha KMG ah ee NISA S/Guud Bashiir Goobe, balse uu dalbaday in la joojiyo arrinta maxkamadda, taas oo Rooble uu diiday in la hakiyo.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading