Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo uu baajiyay safarkiisa qorsheysan ee uu ku tagayo New York toddobaadkan, xilli Dalku uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo saacado kahor gaaray Magaalada New York, ayaa khudbada Madaxweynaha Soomaaliya ka jeedin doona kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa loo qorsheeyay inuu u duulo Magaalada New York Axada si uu uga qeyb galo shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu wado inuu furmo isbuuca soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Mudane Farmaajo wuxuu ka baxay shirkii heerka sare ee UN-ka oo lagu taageerayo sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee ka jira Soomaaliya, halkaas oo kooxaha ka soo horjeeda Xukuumadda Federaalka ay ka wadaan loolan adag oo ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug.3
Ilo ku dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in cabsida laga qabo mudaaharaadyo looga soo horjeedo waxqabadka maamulkiisa ee horey u qorsheysna inay ka dhacaan Mareykanka, ay qeyb ka tahay walaaca ugu weyn ee dhaliyay inuu baajiyo safarka.
Dhanka kale, qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhacey Dowlad Goboleedka Galmudug oo abaabulayaasha mudaaharaadyadii qorsheysan ee Mareykanka ay ku eedeeyeen dowladda inay kicisay ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee sababay madaxweynaha inuu baajiyo safarkiisa qorsheysan.
Sida ilo-wareedyadu sheegeen, Mr. Farmaajo ayaa sidoo kale loo qorsheeyay inuu safarro gaar ah ku tago magaalada Minneapolis si uu ula kulmo jaaliyadaha Soomaalida ee ka kala yimid daafaha Mareykanka.
Dhaqdhaqaaqayaasha Soomaalida ee fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen qorsheynta mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo maamulka Mr. Farmaajo kaasoo wajahaya dhalleecooyin aad u badan oo ka dhan ah siyaasadiisa iyo wax ka qabashada amniga tan iyo markii la doortay horaantii 2017 xilli ay kordhayaan weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca guud ahaan caasimada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay.
Sidoo kale, ilo wareedyada ayaa tibaaxaya in qorshaha Madaxweynaha uu ahaa in inta lagu guda jiro booqashadiisa Mareykanka, uu ka qeybgalo arooska gabadhiisa ee Buffalo, NY usbuuca soo socda.
Joojinta safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ee Mareykanka ayaa kusoo beegmay waqti muhiim u ah dowladiisa, iyadoo cadaadis ay ka saaran tahay dowlad goboleedyada dalka oo jaray xiriirkii ay la lahaayeen dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in ay ku guul darreysatay inay ka soo baxdo ballanqaadyadeedii iyo la’aanta nidaam ay ku wadaagi karto kheyraadka u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda.
In kasta oo madaxweynuhu ku baaqayay in hoggaamiyeyaasha gobollada ay isugu yeedhaan shirar wadatashi oo Muqdisho ku saabsan si loo xalliyo dhibaatada, ma jirin wax muujinaya rabitaankii shanta dowlad-goboleed ee Soomaaliya oo aqbalay dalabkiisii wada-hadallada ilaa maanta.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.