Xog:-Maxaa kala socotaa Safarada Xasan ee tira beelka ah?

Xasan Laba Sano iyo Bar uu fadhiyay Villa Somaliya,Sanad ka mid ah,waxa uu ku qaatay Safaro oo Dibada Wadanka,ayuu wareegayay.

Sanadku,waa 360-Maalmood,waxa uuna Xasan galay 24-Safar isku celcelis.

Safarada tirada badan ee Xasan kuma salaysna Dan Qaran ee waa kuwo ku fadhiya Dan Gaar ah mana jiro Safar Dhaqaale,Mashruuc ama Siyaasad Qaran lagu soo hoyay.

Waxaa xusid mudan in Daqiiqada Madaxweyne ay ka qaalisan tahay mida Dadka caadiga ah,balse ay muuqato in Xasan uusan Shaqo ahayn oo wakhtigiisu raqiis yahay.

Si hoose markaan ubaaray Safarada Xasan,waa kuwo Dhaqaale samayn ah,gaar ahaan Lacagta Sahayda Safarada.

Tusaale?

Safar walba uu baxo,waxa uu qaataa Sahay Safar $400-kun,taasoo noqonaysa Sanadkii….

12×$400.000=$4.800.000.

Lacagtaas,waxaa baxda sida ay xaqiijinayaan Ilo xog ogaal ah halkii Safar $100-kun,waxaana ubaaqata $300-kun,taasoo udhiganta Sanadkii….

12×$300.000=$3.600.000.

Safar walba oo uu baxo Xasan,waxaa gaar uleh oo ku Xisaabtanta Xaasaskiisa mid ka mid ah,isla markaana laguma farageliyo.

Lacagtaas Sahayda Safarada ah,waxaa la saaraa Madaxyada Miisaaniyada ee loo Qoondeeyay Amniga iyo Xaalada deg-dega ah si aysan fara badnidooda uga soo muuqan Xisaab xirka Sanadka.

Isku soo wada duuboo Safarada Xasan,waa Dhaqaale samayn Qoys.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading