XOG: Maxaa kasoo baxay Shirkii Xalay ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ?

Waxaa xalay kulan qaatay saacado badan isugu yimid 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleed. Shirkan oo ka qabsoomay Airport Hotel oo ah halka degaanka u ah Madaxweynayaasha Deni iyo Jubbaland.

Ariimaha laga wada hadlay:

  1. Madaxweynayaasha DG in ay ka yeeshaan aragti mideysan arrimaha masiiriga u ah Dalka
  2. In qodobadii shirkii Dhusamareeb 4 iyo soo jeedintii Guddiga Farsamada ee Baydhabo la meel mariyo
  3. In doorka Dowladda Dhexe iyo Masuuliyadda ay yeelan karaan kaddib 8 February la isla qaato qeexo
  4. In aragti dheer oo ku saleysan xaqiiqda iyo wajahadda Dalku galay si hagar la’aan ah loo wajaho ayadoo laga fogaanayo dan shakhsiga
  5. In si wadajir ah loo diyaariyo Agendaha Shirweynaha ayadoo la tixgelinayo aragtida Saamileyda siyaasadda iyo danta shacabka Soomaaliyeed
  6. In wixii dhacay 19 February Masuuliyadeeda cid qaadato. Mar dambe aysan dib u dhicin
  7. In Madaxweynayaasha dib u kulmaan maalinta sabtida ee 27 March 2021

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading