Xog:-Musuq iyo Eex haraysay Ciidanka Booliska Puntland

Madaxweyne Deni markii uu la wareegay hogaaminta PL,waxuu amray mudo yar kadib in Ciidamada guud ahaantood dib uhabayn lagu sameeyo.

Gudi uu Gudoomiye ka ahaa Wasiirkii Maaliyada,ayaa la saaray oo ka hawlgalay,waana shaqeeyeen oo mudo gaaban kadib isbadal weyn,ayaa ka muuqday Ciidamada.

Hadaba Booliska,waxaa tababarka kasoo gudbay Ciidan gaaraya 1500-Askari,kuwaasoo hawlgalay oo Shaqa la mahdiyay qabtay.

Balse,waxaa niyad jab yimid markii Ciidamo diiday tababarka oo intooda badan iskaga tagay Shaqada lasoo ceshay oo iyagoon tababar iyo diiwaangelin la marsiin lagu dhexdaray Ciidankii tababarnaa oo diiwaangasahanaa sida weyna loosoo diyaariyay.

Waxaa ku timid Ciidanka habacsanaan Shaqo iyo niyad jab,sababtoo ah Askarigii ku fashilmay tababarka iyo kii ka cararay tababarka iyo dib uhabaynta,ayay isku xuquuq yihiin oo lala simay.

Talyaha Qaybta Bari iyo Talyaha Qaybta Karkaar,ayaa samaynaya khaladaadkan si gaar ah,waxayna haatanba wadaan qorshe cusub oo ay Ciidankii la tababaray ku ruqsaynayaan si boosaskooda ay uga buuxsadaan Maleeshiyaad Tuulooyinka laga soo ururshay.

Ujeedka Labada Talye,ay ucayrinayaan Ciidanka tababaran,waa eex ku saabsan Mushahaarka Imaaraadku ubilaabayo Ciidanka Booliska dhawaan.

Arintan waxka qabasho ayay ubaahan tahay deg-deg ah.

 

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading