Xog:-Safaradii Xasan Shiikh Ee Wadamada Bariga Afrika

Dowlada Somaliya,waxaa ka dalbaday booqashooyinkan uu ku maray Xasan Shiikh Wadamada Ciidamadu ay ka joogaan Somaliya African Peace and Security oo Gacanta ku haya hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya,isla markaana kala Shaqeeya Qaramada Midoobey.

Ujeedka booqashadan loogu diray Xasan,waa in Wadamadaas Madaxdooda Siyaasiyan ay la qaataan hawlgalka Cusub iyo soo afjarida midkan Atmis.

Sida qorshuhu yahay hawlgalka cusub,waxa uu toos ubilaaban doonaa Bisha 1-Aad Sanadka danbe,iyadoo ilaa iyo hada la hubo in ay qayb ka noqonayaan Ciidamada Kenya iyo Uganda.

Itoobiyaanka,waxaa si cad udiiday Maraykanka oo ku adkeeyay Somaliya iyo Midowga Africa in laga saaro hawlgallka.

Dhaqaalihii ugu horeeyay ee hawlgalka cusub,waxaa si dhamaystiran ushubay Dowlada Maraykanka ilaa iyo hada,waxaa iyaguna qayb bixiyay oo soo raaca Midowga Yurub,waxaanse waxba ku darsan Ruushka iyo Shiinaha oo isku daya in ay kula loolamaan R.Galbeedka hogaaminta Caalamka.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading