Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo la kulmay Madaxweynayaasha Jabuti iyo Somaliya

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin,ayaa shalay magaalada Jabuti kula kulmay Madaxda Jabuti iyo Madaxweynaha Somaliya.

Weli ma soo shaac bixin,waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen Xoghayaha iyo Madaxweynayaasha Jabuti iyo Somaliya.

Waa safarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ku tago Afrika isagoo ah xoghayaha Gaashaandhigga,taodobaadka danbe,ayuu uu u safri doonaa Kenya iyo Angola.

Jabuuti waxay marti gelisay Saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika.

Xoghaye Austin,ayaa sheegay in Camp Lemonnier uu “muhiim u yahay” ka hortagga xagjirnimada rabshadaha iyo taageeridda ammaanka Gobolka oo dhan.

Mareykanka,ayaa u arka muhiim wada shaqaynta uu la leeyahay Ciidamada Jabuti iyo Guud ahaan Ciidamada Qaarada Afrika.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading