Xoghayaha difaaca Mareykanka oo laga helay Xanuunka Kansarka

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa weli ku jira isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Washington DC.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka,ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xoghaye Austin laga helay cudurka kansarka dhammaadkii bishii December, Kowdii bishanna isbitaalka loo dhigay infekshin ka dhashay qalliinkii December.

Laakin xogta la xiriirta in Xoghayaha uu qabo Cudurka Kansarka,ayaa laga qariyay Madaxweyne Biden oo sidoo kale aan muddo saddex maalmood ah lala socodsiin in Xoghaye Austin uu ku jiro qeybta daryeelka degdegga ah ee Xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading