Xoghayaha Guud Ee QM Oo laga mamnuucay Israa’iil

Israa’iil,ayaa Arbacada Maanta ah ku dhawaaqday in uusan soo geli karin Dalkeeda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “persona non grata”.

Bayaan uu soo saaray, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku tilmaamay Guterres inuu yahay “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, mid ka soo horjeeda Israa’iil oo taageera argagixisada.”

Bayaan uu soo saaray Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Katz, ayaa ku dhawaaqay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu yahay (shakhsi aan halkan laga rabin) wsxs uuna raaciyay in Qofkii aan si cad u cambaareyn karin weerarka foosha xun ee Iiraan ay kusoo qaaday Israa’iil uusan mudneyn in uu Cagta soo dhigo dhulka Israa’iil.

Katz waxa uu si gaar ah u dhaleeceeyay Guterres, isagoo ku eedeeyay siyaasaddiisu in ay ka soo horjeeday Israa’iil tan iyo bilowgii dagaalka.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading