Xoghaye lagu dilay maanta Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Wadajir xoghayihii guud ee degmada oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ku raad joogaan sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilka ka danbeeya oo goobta ka baxsaday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo sidoo kale dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in labada mas’uul gaari ay wateen lagu horgooyay gaari kale kaddib-na rasaas lagu furay, taasoo keentay dhimashada xoghayaha iyo dhaawaca guddoomiye waaxeedka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Xoghaye lagu dilay maanta Magaalada Muqdisho"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading