Xogta Hubka lagu qabtay Magaalada Caabudwaaq Ee G.Galgaduud

Hubka,waxaa laga soo gaday Itoobiya,waxaana soo gaday Liban Shuluq oo kasoo jeeda Beesha HG Sacad.

Liibaan Hubka,waxa uu kusoo iibshay Magaca DFS oo waxa uu haystaa Qandaraas Hubeed.

Hubka,waxaa galbinayay Ciidanka Liyuu Booliska,waxayna Xalay seexsheen Laasacaanood oo ka tirsan Gobolka Qoraxey.

Saakay ayay uga hareen Ciidanka Liyuu Booliska Deegaanka Axmed Gurey oo udhaxeeya Caabudwaaq iyo Balanbale.

Xogta Hubka oo baxday,ayaa Sababtay in Ciidamo kasoo kala baxay Balanbale iyo Caabudwaaq ay weerar ku qaadaan Gaadiidkii Hubka waday.

Kadib,waxaa usoo gurmaday Gawaarida Hubka siday Ciidamo Nisa-da Galmudug ah,waxaana halkaa ka qarxay dagaal kharaar,kaasoo sababay in Ciidankii Nisa laga awood roonaado oo ay 11-Mayd ah uga carareen goobta lagana reebto Gawaaridii iyo Hubkii.

Dhanka Dadka Deegaanka Balanballe iyo Caabudwaaq,waxaa dagaalka uga Geeriyooday. 8-Qof oo ka kasoo kala jeeda…

Laba R. Siyaad ah.
Laba R.Warsame ah.
Laba Wagardhac
Laba R.Kooshin ah.

Hubkan,waxaa la tilmaamayaa Sadex jiho midkood in uu usocday oo kala ah…

1.Musharaxiin utaagan Doorashada Galmudug.

2.Ganacsato Gaalkacyo joogta.

3.Colaada Beelaha Leelkase iyo HG.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading