Xogtii ugu danbaysay Hubka Caabudwaaq ugacan galay

Hubka,waxaa heshiis kula gashay Dowlada Itoobiya Dowladii MW Farmaajo hogaaminayay,waxaana xogteeda hayay Kulane Jiis.

Dowladan markay timid,waxaa la xiriiray Kulane Jiis koox uu hormuud uyahay Libaan Shuluq Ninka la yiraahdo,waxay dhexdhexaadiyeen Kulane iyo Dowlada Xasan.

Ugu danbayn,Kulane Jiis,waxaa lagula heshiiyay in uu Hubkii ku wareejiyo Liibaan Shuq dib,ayaana looga iibsaday.

Hubku,wuxuu ahaa Afar Gaari oo iskugu jiray Laba Rasaas ah iyo Laba Hub ah,waxayna xoguhu sheegayaan Labadii Rasaasta ahaa in aysan weli gudbin halka xogo kalana sheegayaan in ay gudbeen.

Hubkan,waxaa qorshuhu ahaa in lagu xareeyo Xerada Ciidamada Danab ee Gaalkacyo.

Xaqiiq,waxaa noqotay in Liibaan Shuluq Hubka leeyahay oo Villa Somaliya ogolaatay in lagu wareejiyo una samaysay Sharciyad.

Maamulka Galmudug,waxba kalama socon Hubka oo waa laga qariyay,waxaana xogta Hubka ka shifay Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Kulane Jiis kadib markay soo rareen,sida Ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading