Xogtii ugu danbaysay khasaaraha weerarka Hotel Beach

Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah,ayaa isku qarxiyey Hotel Beach View ee Xeebta Liido oo Caawa ay Dad badan ku cawaynayeen maadama ay Jimco tahay.

Bada Dadkii Xeebta Bacaadkeeda fadhiyay oo dhalinyaro ubadnaa,ayaa khasaaraha ugu badan soo gaaray.

Magaalada Muqdisho,waxaa isqabsaday Qaylada Gaadiidka Gaar-gaarka deg-deg ah oo daad guraynaya Dadka.

Wararkii ugu danbeeyay,waxay sheegayaan in Hotelka gudahiisa laga maqlayo rasaas,taasoo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo.

Maydad,ayaa weli daadsan Xeebta Liido, halka dhaawacyo la geeyay Isbitaalo uu kamid yahay Umo Hospital oo Liido ku yaala.

Xogta weerarkan,waxaa la helay mar hore,balse lagama taxadarin oo waxay ahayd in ay Dadka ka joojiyaan tegida Xeebta Liido iyo isku imaatinka oo ay xiraan goobaha layskugu yimaado.

Xarunta Xalane oo ay degan yihiin inta Badan Safaaradaha iyo Wakiilada BC saakay,ayaa la xiray Xayndaabkeeda oo la adkeeyay amaankeeda markii la helay xogta.

Khasaaraha ku dhacay Shacabka Muqdisho Caawa,waxaa sababay masuuliyad darada Masuuliyiknta Dowlada.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading